Kooxaha Deportivo Alaves iyo Barcelona oo barbaro ku kala baxay

0
339

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxaha Deportivo Alaves iyo Barcelona ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay, kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybt hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Deportivo Alaves.

Daqiiqadii 31-aad kooxda Deportivo Alaves ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay Luis Rioja.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

64 daqiiqo marka ay ciyaartu aheyd kooxda Barcelona ayaa heshay goolka barbardhaca, waxaana 1-1 ka dhigay xiddiga reer France ee Antoine Griezmann.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay barbardhac 1-1 ah, waxayna labada kooxood ku qeybsadeen saddexda dhibcood garoonka Camp Nou, Blaugrana ayaana haatan ku jirta booska 13-aad ee dhanka kala sareynta horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here