Koox Premier League Ah Oo Laga Diiday Dalab Rasmi Ah Oo Ay Ka Gudbisay Eden Hazard.

0
212

Kooxda West Ham ayaa laga diiday dalab Rasmi ah oo dhan 21 milyan oo ay ka gudbiyeen saxiixa xiddiga Real Madrid ee Eden Hazard kaas oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga suuqa January.

Sida laga soo xigtay El Nacional, West Ham ayaa doonaysa in ay xiddiga ku soo celiso London si ay ugu xoojiso kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Laakiin Real Madrid ayaa isla markiiba diiday sabab la xidhiidha in ayna aqbli doonin dalab aad u hooseeya.

Madrid ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Hazard laakiin waxa ay kaliya aqbali doontaa lacag dhan 45 milyan oo euro.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku dhibaatooday Madrid isaga oo ku dhibaatooday dhaawacyo si joogto ah u soo gaadhay kuwaas oo u diiday in uu si joogto ah ugu ciyaaro kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here