Koox Premier League Ah Oo Dalab Ka Gudbisay Lionel Messi.

0
229

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda Tottenham ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab lama filaan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga ka tagay Kooxda Barcelona ee Lionel Messi si ay u keento premier League inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Kadib 21 sano oo uu joogay Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay in uuna xiddiga reer Argentine heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda kana tagi doono kooxda inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Heshiiska Lionel messi ayaa dhacay 30 june laakiin Barcelona ayaa ku rajo weynayd in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga 34 jirka ah kuna sii hayso Camp Nou sanado kale oo badan.

Laakiin Shabakada ESPN ayaa sheegaysa in ay kooxda Tottenham dalab Rasmi ah miiska u saartay xiddiga reer Argentine si ay u geeyaan Premier League uguna xoojiyaan kooxda.

Wararka ayaa soo baxaya kadib markii uu lionel Messi xaqiijiyay in ay jiraan kooxo badan oo uu wadahadalo kula jiro si uu ugu biiro koox cusub kadib markii uu ka tagay kooxda Barcelona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here