Koobkii Baidoa Cup oo soo dhamaaday iyo Guushii FC Baidoa.

0
166

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiriirka kubadda cagta KGS ayaa 2 Mar 2023 si toos ah uga dhawaaqey in 3 May 2023 si rasmi u furmi doono BSL Cup kaasi oo ku tartami doonaan kooxaha ka dhisan Degmada Baydhabo, kuwaasi oo laga soo xulay 6 (A) 6 (B) iyo 4 (C) oo wadar ahaan ay garayaan 16 kooxood.

3 May 2023 Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS Mudane Salmaan Cali , Wasiirka Wasaarada Maaliyada KGS , Gudoomiyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya, iyo Gudoomiyaha Ururka Kubada Cagta KGS Mudane Axmed Cali Xasan ayaa si wadajir ah u qeybgaley kulanka Furitaanka koobka BADIOA CUP.

Furitaanka BSL Cup ayaa waxaa lagu furey labada kooxood F.C BCC Vs X.
BUSLEY, waxaa ay soo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan oo ay jecleysteen dhamaan bahdii ciyaaraha ee soo xaadirey garoonka DR, Ayuub, 90 daqiiqo dhamaatay oo aan dareemin ciyaartoyda iyo tageeriyaasha ayaa waxaa ciyaarta gusheeda oo 3 dhibcood ah tagey F.C BCC.

Madaama dhamaan 16 kooxood ee Baidoa SL Cup ku tartamayeen ayaa ahaa kuwo sanado diyaar garow ugu jireen bilaawashada tartankaan ayaa koox kasta wadatey halisteeda.

Bilowgii BSL cup kulamada la xusi karo waxaa kamid ahaa kulankii labaad oo u dhaxeeyey Baaysom Vs Sh/Asharow oo labadooda kamid ahaa kuwa ugu tunka weyn kooxaha magaalada Baydhabo.

Kulankii labadooda ugu horeeyey waxaa guusha raacdey F.C A\Asharow taasi oo cabsi ku beertay maamulka iyo tageeriyaasha F.C Baaysom madaama ay ku jirtay kooxaha loo sadalinaayay.

Inta uu socday tartanka BSL Cup ayaa waxaa laga diiwaan galiyay dhacdooyin badan oo ay sameyeen dhamaan kooxihii ka qeyb galay, iyadoo ciyaartoy dayar lagu arkaayay kooxaha.

Garsooriyaasha, calan wadiyaasha iyo guddiga ayaa sidoo kale isbedelka ka muuqdey.

Kulamo xiisa badan oo la soo ciyaaray ayaa afar dhamaanka tartanka BSL cup waxaa iska soo xaadariyeen kooxaha kala ah.

F.C Baaysom vs F.C A\Asharow.

F.C Baidoa V.s Shimateeri.

Kulankii adkaa ee u dhaxeeyey ee F.C Baidoa V.s Shimateeri ayaa waxaa ku dhamaadey 3-0 oo guusha ku raacdey F.C Baidoa oo si toos ah iskaga xaadirisey Finalka.

Kiisii kuxigey ee ka tirsanaa Same-finalka BSL cup ayaa waxaa dhax marey kooxaha kala ah.

F.C Baaysom vs F.C A\Asharow, waxaa uu kamid ah ahaa kulamada adag markii loo fiiriyo labada koox iyo halka ay joogaan, lakiin waxaa xasuus adag loogu geystay kooxda F.C A\Asharow oo looga adkaadey 7 iyo 1.

Intaasi kadib waxaa xiriirka kubadda cagta sòo saaray xiliga la ciyaari doono Finalka BSL cup, balse waxaa soo dhax galey doonashada gudoomiyaha xiriirka kubadda Cagta ee KGS oo loo doortay Mudane Axmed Cali Xasan.

22 05 2023 waxaa soo xaadirey taageeriyaal badan oo xiiso u qaban in ay ogadaan kulankaan iyo kooxda la hooyan doonto Cup ka.

Diyaar garow maalmo qaatey, labada koox, guddiga ciyaaraha KGS iyo tabiyaasha ciyaaraha ee magaalada Baydhabo,waxaa lagu kulmay garoonka kubadda cagta DR, Ayuub si loo ogaado kooxda nasiibka u yeelan doonto hanashada BSL cup.

Markuu firinbiga uu ka dhawaajiyay dhax dhaxaadiyaha ciyaarta cid kasta waxaa u bilaawatay 90 daqiiqo oo cabsi ah i taasi kadib 2 iyo 1 waxaa Cupka garoonka dhaxdiisa lagu gudoonsiyay kooxda F.C Baidoa, waxaana sidaasi lagu soo afjarey Cupkii mudada soo socdey.

Sports Horumar leh KGS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here