Kompany Oo Weerar Suuqa Ah Ku Qaaday Arsenal.

0
32

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Vincent Kompany ayaa doonaya labada ciyaaryahan ee Arsenal Oleksandr Zinchenko iyo Albert Sambi Lokonga inay noqdaan labadii saxiix ee ugu horeysay isagoo ah tababaraha Bayern Munich, sida ay wararku sheegayaan.

Waa mid ka mid ah magacaabista ugu la yaabka leh sanadka iyada Oo Kompany oo kooxdiisii Burney ka hadhay premier league loo doortay tababaraha cusub ee kooxda Bayern Munich.

Kompany oo noqday tababaraha cusub ee kooxda ayaa Doonaya in uu weerar dhinaca suuqa ah ku qaado kooxda Arsenal.

Oleksandr Zinchenko iyo Kompany ayaa ka Soo wada shaqeeyay Kooxda Man City Wakhtigii uu Kompany ciyaartoyga ahaa.

Dhinaca kaleĀ  Kompany ayaa xiddiga Albert Sambi Lokonga ku garanaya xulka Qaranka Belguim.

Labada Xiddig ayaa la filayaa in ay iska tagaan kooxda Arsenal suuqa kala iibsiga xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here