Klopp oo xaqiijiyay maqnaanshaha xiddig ka tirsan Liverpool kulanka finalka ee FA Cup

0
381

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay maqnaanshaha xiddiga kooxda ee Fabinho, kulanka finalka FA Cup-ka ee ay la ciyaarayaan kooxda Chelsea.

Reds ayaa kula ciyaari doonta finalka FA Cup-ka kooxda Blues, kulankan ayaana ka dhici doona garoonka caalamiga ah ee Wembley, sabtida soo socota.

Klopp ayaa war saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku sheegay in Fabinho aanu la joogi doonin saaxiibadiisa kale kulanka Chelsea, laakiin uu wali rajo ka qabo in uu ku soo laabto kooxda kahor dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Website-ka rasmiga ah ee kooxda ayaa lagu sheegay wareysi uu bixiyay Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaa jirta fursad wanaagsan oo uu Fabinho kusoo laaban karo, laakiin kuma soo laaban doono kulanka soo socda.”

Fabinho ayaa lagu qasbay inuu garoonka ka baxo kulankii ugu dambeeyay ee ay kooxda la ciyaartay Aston Villa Talaadadii lasoo dhaafay kaddib dhaawac muruqa ah ee soo gaaray, taasoo ka dhigi doona inuu seego kulanka Chelsea.

Klopp iyo wiilashiisa ayaa ku adkeysanaya rajada ah in Fabinho uu ku guuleysan doono inuu soo laabto  kulanka soo socda ee Real Madrid finalka Champions League, kaasoo 28-ka May lagu ciyaari doono caasimada Faransiiska ee Paris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here