Klopp Oo Shaaca Ka Qaaday Halkii Xiddig Ee Ay Liverpool Tabtay Kulankii Crystal Palace.

0
160

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay in kooxdiisu ay tabtay maqnaanshaha Darwin Nunez kulankii ay barbaraha 0-0 ah la galeen Crystal Palace garoonka Selhurst Park.

Klopp ayaa shaxdiisa ku bilaabay xiddigaha Mohamed Salah, Cody Gakpo iyo Diogo Jota kulankii Palace iyada oo uu kulanka dhaawac ku seegay xiddiga Darwin Nunez.

Xiddiga reer Uruguay ayaa garabka ka dhaawacmay kulankii Newcastle ee todobaadkii hore inkasta oo uu ciyaaray kulankii Real hadana waxa uu seegay kulankii Palace.

Isagoo la hadlayay Sky Sports ciyaarta ka dib, Klopp ayaa qirtay, in hadii uu Nunez ciyaari lahaa ay u fiicnaan laayd kooxdiisa inkasta oo uu qirtay in ay kooxdiisu badin kartay la’aanta xiddiga 23 jirka ah.

“Daqiiqado sidan oo kale ah waxa aan tabnay Darwin Nunez, laakiin waanu badin karnay la’aantiis”ayuu Klopp yidhi.

Liverpool ayaa bar-baro 0/0 ah la gashay Crystal Palace waxana ay haatan dib ugu dhacday kaalinta 7-aad ee kala saraynta premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here