Klopp Oo Ka Warbixiyay Xaalada Dhaawac Ee Dominik Szoboszlai.

0
76

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka warbixiyay xaalada dhaawac ee xiddiga Dominik Szoboszlai.

Dominik Szoboszlai ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Liverpool guusha weyn ka gaadhay kooxda Newcastle kulan ka tirsanaa premier League.

Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican Liverpool xilli ciyaareedkan isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray qaab ciyaareedka kooxda.

Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa la badalay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana la arkay isaga oo muruqa dambe ee lugta haysta markii uu ka sii baxayay ciyaarta.

Ciyaarta kadib Klopp ayaa sheegay in uu dhaawac muruqa ah soo gaadhay xiddiga khadka dhexe.

“Waxaan rabnay inaan badalno Szoboszlai, taasi waxay ahayd qorshuhu… laakiin nasiib darro waan la raagnay sababta oo ah waxa uu wax ka dareemay muruqa”.

“Ma garanayno inta ay le’eg tahay, si cad, markaa waa inaan sugno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here