Klopp Oo Ka Hadlay Booskii Uu Mohamed Salah Ka Galay Tartanka Ballon d’Or

0
290

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay booskii uu xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah ka galay tartanka Ballon d’Or-ka kaas oo la bixiyay Isniintii.

Salah ayaa kaalinta 7-aad ka galay tartanka Ballon d’Or-ka kaas oo uu Lionel Messi ku guulaystay markii 7-aad xirfadiisa ciyaareed.

Salah ayaan la filayn in uu ku guulaysto abaalmarinta laakiin waxa la filayay in uu kaalmaha hore ka galo marka loo eego qaab ciyaareedkiisa sanadihii ugu dambeeyay.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Run ahaantii waan la yaabay booska Salah, Ballon d’Or-ka waxa codeeya saxafiyiinta, hadii aad aaminsantihiin in uu boos kale u qalmo waxa ay ahayd in aan saaxiibadiin ku qancisaan, laakiin Messi siiya xirfadiisa oo dhan”.

Messi ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddiga kooxda Bayern Munich ee Lewandowski kaas oo si weyn loogu saadaalinayay ku guulaysiga abaalmarinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here