Klopp Miyuu Ka Wel-welsan Yahay In Xilka Laga Qaado.?

0
230

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Macalinka Liverpool ee Klopp ayaa ka hadlay suura galnimada ah in laga qaado xilka kooxdaas sida Tuchel

Liverpool ayaa xalay guul darro 4/1 waxa ay kala kulmeen Napoli oo ay wada ciyaareen lugta 1-aad ee wareegga Group-yada Champion-ka

Liverpool waxa ay ka sheeganeysaa  natiijo xumo xilli ciyaareedkaan iyadoo dhanka horyaalka Ingiriiska ay galeen sedex bar bar dhac , hal guul darro halka labana ay guuleysteen

Mar la weydiiyay su`aal ah in wel wel uu ka qabo in xilka laga qaado sida Tuchel waxa uu yiri ”  sidaan xaq ma aha , xal ma ahan sidaas , balse yaa og , waa qasab in mulkiilayaasha kala duwanaadaan”

” Mulkiilayaasha Liverpool waa degan yihiin , waa ogsoon yihiin in xaalka is badalayo , marka ay afgaartooda badalayaan waa  ii sheegayaan” ayuu sii raaciyay Klopp

” Habeen niyad jab ayay aheyd , sidaa darteed waxaan taageeryaasha leeyahay ka raali noqda waxii dhaca” ayuu yiir Klopp

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here