Kiisaska Karoona Feyris ee dalka Hindiya oo sii cagacageynaya 7 Milyan

0
247

Baydhabo(Radio Arlaadi)-  ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Hindiya Ayaa muujineysa sare u kac 75,000 oo kiisas cusub oo cudurka Koroona Feyris ah.

Dalka Hindiya waxaa haatan laga soo wariyay inuu cudurka ku dhacay in ka badan 7 Milyan oo qof, waxayna Hindiya haatan ku dhowdahay inay hoggaanka kala wareegto dalka Mareykanka oo isugu hoggaaminaya caalamka.

Dalka Mareykanka ayaa tiro 7.67 Milyan ah ku hoggaaminaya dalalka ugu badan ee uu ku faafay cudurka Karoona.

Khubarada Caafimaadka ayaa sheegaya in tirada dadka Hindiya ee qaaday cudurka Karoona Feyris ay ka badan tahay tirada la baahiyay maadaama ay tahay dalka labaad ee dunida ugu dadka badan lehna magaalooyinka Zaxmadda badan dunida.

Khubarada caafimaadka ayaa intaas ku daraya in aanay isku dheelli tirneyn tirada sida maalinlaha looga baaro cudurka iyo dadka ku nool magaalooyinka qaar taas ayaana keeneysa walaaca ku aadan in tirada ay ka badan tahay inta la shaaciyay.

Sida lagu shaaciyay Warbixintii u danbeysay ee ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Hindiya tirada dhimashada Hindiya ayaa sii cagacageyneysa 108,334 kiis oo dhimasho ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here