Kiisaska cudurka karoona feyris ee laga helay gudaha dalka oo ku dhow saddex kun.

0
381

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 25-kii saac ee la soo dhaafay cudurka karoona feyris laga helay 16 ruux oo ku kala sugan Somaliland lix ruux, Banaadir lix qof , iyo Jubbaland afar ruux.

Tirada kiisaska laga helay gudaha dalka ayaa hadda mareysa 2835 ruux, waxana ka bogsaday 829 ruux, halka 90 ruuxna cudurkan ay u dhinteen.

Kiisaska ugu badan ayaa laga helay gobolka Banaadir kuwaaso gaaraya 1,407 ruux, Somaliland  oo ku soo xigta ayaa laga helay 681 ruux,  Puntland ayaa laga helay 290 qof, Jubbaland 175 ruux, koonfur Galbeed 142 ruux , Galmudug 117 ruux, halka Hirshabeelle laga helay 23 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here