Kiisaska COVID-19 ee UK oo kordhay.

0
263

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kiisaska xanuunka COVID-19 ee UK ayaa cirka isku shareeray, iyada oo shalay uu ku dhacay 42,067 qof oo cusub sidda lagu sheegay xog ay dowladu soo saartey.

Dhinaca kale guulo ayaa Britain ka gaartay barnaamijka tallaalka, iyada oo ilaa hadda la qaatay 91,314,745 tallaal guud ahaan Britain.

48,171,998 oo qof ayaa la siiyey dhibicda koowaad halka ay 43,142,747 oo qof oo kalena qaateen labada qeybood.

Xanuunka Covid 19 ayaa wali fara ba’an ku haya dalalka qaar, iyada oo UK ay kamid tahay dalalka la daalaadhacaya kiisaska xanuunkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here