Kiisaska COVID-19 ee Hindiya oo kor u dhaafay 8 milyan

0
273

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Hindiya ayaa diiwaan galisay 45,231 kiis oo COVID-19 saacadihii la soo dhaafay, iyada oo wadarta kiisaska la diiwan geliyay ay gaareen 8.23 milyan, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Isniinta maanta ah.

Kiisaska cusub ee maalinlaha ah ee dalka Hindiya ayaa hoos u dhacay tan iyo bishii Sebtember, laakiin khubarrada ayaa ka digaya in faafitaan feyraska oo mar kale soo laba-kacleyn karo inta lagu jiro ciidda sannadka cusub.

Hindiya ayaa noqotay dalka labaad ee adduunka ugu badan marka laga reebo Mareykanka oo diiwan geliyay in ka badan 9 milyan oo kiis.

Waxaa jira 496 dhimasho 24-kii saac ee la soo dhaafay, taasoo wadarta dhimashada guud COVID-19 ee dalka Hindiya ka dhigeysa 122,607, sida ay shaacisay Wasaaradda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here