Kiisaska Covid-19 ee dalka Filibiin oo si xowli ah u kordhaya

0
632

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kiisaska feyraska Korona ee Filibiin ayaa kor u dhaafay 35,000 (Soddon iyo shan kun oo kiis) sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka.

WHO ayaa xustay in dalkaasi uu noqday dalka uu si degdegga ah ugu faafayo cudurka, uguna kiisas badan marka loo eego waddamada dhaca galbeedka bad-weynta Baasifigga labadii toddoobaad ee ugu dambeeyay. Waaxda Caafimaadka Filibiiin ayaa shalay oo kaliya diiwan-gelisay kiisas gaaraya 653 kiis iyo dhimashada 8 ruux, taas oo tirada dhimashada dalkaasi ka dhigeysa 1244.

Kiisaska ugu badan ee la diiwangeliyay ayaa laga helay labada degmo ee ugu dadka badan oo kala ah caasimadda Manila iyo magaalada Cebu.

Dhanka kale Waaxda Arrimaha Dibadda Filibiin ayaa diiwangelisay kiisas gaaraya 8,433 iyo dhimashada 538 kuwaas oo ah muwaadiniin reer Filibiin oo ku nool meel kabaxsan dalkooda.

Intii u dhaxeysay Juun 16 ilaa Juun 27 Filibiin waxaa laga diiwaangeliyay 8143, waana tirada ugu badan ee laga diiwangeliyo dhammaan 22-ka dal ee ku yaalla galbeedka Baasifigga, sida laga soo xigtay WHO.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here