Kieran Trippier Oo Soo Gaadhay England Si Uu U Dhamaystiro Ku Laabashadiisa Premier League

0
345

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Kieran Trippier ayaa lagu soo waramayaa in uu yimid dalka England si uu u dhamaystiro ku biiristiisa kooxda Newcastle United.

Kooxda Newcastle United ayaa u muuqata kuwo saxiixa xiddiga Kieran Trippier ku garaacay kooxda Man United kuwaas oo dhankooda doonayay saxiixa xiddiga ilaa xagaagii la soo dhaafay.

Kieran Trippier ayaa tijaabada caafimaadka u maraya kooxda Newcastle United kadib markii ay kooxaha Atletico Madrid iyo Newcastle United ka heshiiyeen qiimaha xiddiga oo dhan 12 milayn oo euro.

Xiddiga reer England ee Kieran Trippier ayaa noqon doona saxiixii ugu weynaa ee ay Newcastle Samayso tan ilaa markii ay Milkiilayaasha carabtu la wareegeen Milkiyada kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here