Khubarada Caafimaadka oo Ku Taliyay in Malabka Lagu Dabiibi Karo Qufaca

0
232

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Khubarada caafimaadka ayaa ku taliyay in malabka iyo dawooyinka dabiiciga ah ee aysan dhaqaatiirtu qorin ay ku habboon yihiin in marka ugu horreysa loo isticmaalo la tacaalidda qufaca.

 Xeel dheerayaasha dhinaca caafimaadka ayaa sheegay in daawooyinka qallajiyaha ee loo yaqaanno Antibiotics-ka ee ay soo qoraan dhaqaatiirta ay si dhif iyo naadir ah wax uga qabtaan qufaca, saamyntooda oo yar awgood.

Inta badan qufaca ayaa qofka uga dhammaada si iskiis ah markii uu socdo muddo labo ilaa saddex usbuuc ah.

Taladan ayaa dhaqaatiirta naf ahaantooda ku boorrisay in ay Malabka tixgalin siiyaan taas oo looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dhibaatooyinka ka dhasha dawooyinka qallajiye ahaanta loo adeegsado.

Noocyo badan oo ka mid ah dawooyinkaas ayaa marka dambe sababa in uu jirka iska caabbin ku sameeyo oo ay wax tar la’aan noqdaan.

Biyo kulul oo lagu qaso Malab – oo inta badanna lagu daro liin dhanaan iyo sanjabiil ayaa aad looga yaqaannaa in guryaha laga isticmaalo, si loogu daweeyo qufaca iyo xanuunnada yar yar ee ku dhaca dhuunta.

Taladan ay soo saareen khubarada Machadka (PHE) ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in dawooyinkaas dabiiciga ah ay ka waxtar badan yihiin kuwa ay dhaqaatiirta soo qoraan.

Dawooyinka loogu tala galay qufaca ayaysan qudhooda meesha ka saarin, balse waxa ay hoosta ka xarriiqeen in Malabku uu ku jiro kaalinta koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here