Kenya oo Ruushka weydiisaneysa talalka uu soo saaray ee cudurka COVID-19.

0
251

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Saraakiisha caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay in Ruushka ay weydisanayaan tallaalka cudurka Covid-19 ee uu shaaca ka qaaday, sida ay ku warrantay warbaahinta Capital FM.

“Waxaan la xiriirineynaa Ruushka, waxaan kala shaqeyn doonaa sidii lagu xaqiijin lahaa in tallaalka uu yahay mid waxtar leh oo aan adeegsan karno” waxaa sidaas sheegtay Mercy Mwangangi oo kamid ah saraakiisha ugu sarreysa wasaaradda caafimaadka.

Waxay arrintani ka dambeysay markii Ruushka uu noqday dalkii ugu horreeyay ee caalamka ee ku dhawaaqo tallaalka ka dhanka ah feyraska Corona.

Khubarada ayaa walwal ka muujiyay sida degdegga ah ee Ruushka uu shaqadan u qabtay, waxayna sheegeen in cilmi-baarayaasha Ruushka ay suuragal tahay in ay si boobsiis ah u sameeyeen tallaalka.

Kenya waxay diiwaan gelisay 27,425 oo kiisaska cudurka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here