Kenya oo mamnuucday Hilibka Dameeraha

0
356

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Wasiirka beeraha ee dalka Kenya ayaa mamnuucay ka ganacsiga iyo gowraca dameeraha dalkaas gaar ahaan in laga ganacsado haragiisa iyo hilibkiisa.

Wuxuu wasiirka sheegay in la maxkamadeyn doono ciddii lagu helo gowraca dameeraha.
Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa amar ku bixiyay in la xiro dhammaan kawaanada iibiyo hilibka dameeraha.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciddii u hogaansami weydo amarkan in la xiri doono xarumahooda ganacsi.
Waxay arrintani imaaneysaa walaac ka taagan tirada dameeraha ku nool dalkaas oo yaraaday kaddib markii ay soo bateen dameeraha laso xaday ee lagu kala iibsado suuqa madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here