Kenya oo dhiseysa xarun lagu hagaajiyo talaalka cudurka Covid19

0
590

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Kenya, ayaa sameysaneysa xarun lagu dhameystiro hannaanka sameynta tallaalka cudurka Covid19, iyadoo taa kor u qaadi doonto helitaanka talaalka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in tani ay yareyn doonto ku tiirsanaanta Kenya ee talaalka ay ka sugeyso dalalka deeqda bixiya.

Sidoo kale dowladda, ayaa qorsheyneysa iney dhisto xarun lagu farsameeyo talaalada bani’aadamka, iyo sidoo kale talaalada kale ee noolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here