Kenya Airways oo joojisay duulimaadyadii ay Muqdisho ku imaan jirtay

0
238

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Diyaaradaha ee Kenyan Airways ayaa maanta Sabti ah ku dhawaaqday in ay joojisay safarradii ay ku tagi jirtay 8 magaalo oo Afrika ku yaallo sababo la xiriira cudurka safmarka ah ee Karoona Feyris.

Shirkadda duullimaadyada ee Kenyan ayaa sheegtay in ay joojisay duullimaadyadii ay ku tagi jirtay magaalooyinka Luwaanda (Angoola), Bamaako (Maali), Barasafile (Koongo), iyo magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

“Sida shirkadaha kale ee duulimaadyada, Shirkadda Kenyan Airways waxaa saameeyay cudurka Karoona, saadaasheenna muddada gaaban waxa ay tilmaameysa in aan laga fursan karin yareynta duullimaadyadeenna ka hor inta aynan dib u bilaabin” ayaa lagu yiri war ka soo baxay shirkadda Diyaaradaha Kenyan Airways.

Shirkadda Kenyan waxa ay sidoo kale mustaqbalka dhow joojineysaa duullimaadyadii ay tegi jirtay Khartuum, Jabuuti, Malawi iyo Mabuuti.

Talaabadaan ayaa kusoo hagaageysa xilli dowladda Soomaaliya ay diidey in ay xayiraada ka qaado Khaadka ka yimaada Kenya, oo bishii Maaj loo mamnuucay sabab la xiriirta musiibadda dunida aafeeysay ee Karoona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here