Karim Benzema Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Ballon d’Or 2022.

0
188

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or 2022.

Karim Benzema ayaa markii ugu horaysay ku guulaystay abaalmarinta Ballon d’Or isagaa oo abaalmarinta ku garaacay xiddiga Robert Lewandowski.

Benzema ayaa ku mutaystay abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka kadib xilli ciyaareed wareer ah oo uu soo qaatay sanadkan

Xiddiga reer France ayaa Real Madrid kula guulaystay Champions League iyo La Liga kadib xilli ciyaareed heer sare oo uu so bandhigay.

Xiddiga ayaa door weyn ka qaatay ku guulaysiga Real ee champions league isaga oo dhaliyay goolal muhiim u ah kooxdiisa xilli ciyaareedkii hore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here