Kalluumaysato sabool ah oo heley cambarka nibiriga oo qiimihiisu gaaraya $1.5 milyan oo doolar.

0
274

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kalluumeyasto sabool ah oo ku nool dalka Yemen ayaa helay Cambarka nibiri  dhintay  oo  ku soo caariyay badda kaasoo wax weyn ka baddalay nolosha kooxdan kalluumeystada ah oo ku nool mid ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka.

Cambarkan ayaa qiimihiisa lagu qiyaasay $1.5 milyan oo doolar, waxay tallaabadan u horseeday inay ka baxaan noloshii faqriga aheyd.

Kalluumeystadan waxay gaarayaan ilaa 35, waxay maanta ku faraxsan yihiin inay si deg deg ah ay dhaqaalahaa intaa la eg uga sameeyaan wax inta badan ay baadi goobaan oo si kadis ah ay ku heleen.

Waana mid dahabi ah oo qiimahiisu aad u sarreeyo kaas oo ay adagtahay in la helo, kallumeysato badan ayaa ku raad joogaa cambarka nibiriga oo haddii ay helaan u horseedi karo in dhaqaale xooggan ay helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here