Kaaraan oo 2-0 dirtay Gubadley.

0
7

Baydhowy (Raathiyow Arlaathi) Ciyaar xiiso leh ayaa goordhawayd ka dhacday garoonka kubadda cagta ee Koonis Stadium ee magaalada Muqdisho taas oo ahayd kama dambeysta koobka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Kooxda kubadda cagta ee degmada Kaaraan ayaa 2-0 uga adkaatay kooxda degmada Gubadley, waxayna labad goolba dhaliyeen qaybtii hore ee ciyaarta.

Taranka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Banaadir oo ay weheliso degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa soo bilowday sideedii bishii hore ee September, waxana maalmaha la ciyaarayo u daawasho taga kumannaan dadweyne ah oo ciyaarraha xiiseeya.

Kooxda kubadda cagta ee degmada Kaaraan ayaa afar dhammaadka tartanka ka soo adkaatay kooxda degmada Dharkenley, waxayna galin kii dambe ee maanta ku guuleystay horyaalnimada kooxaha degmooyinka gobolka Banaadir markii ay garaacday Gubadleey. Koobka ayaa la gudoonsiiyay kooxda Kaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here