Juventus Oo Talaabo U Qaaday Saxiixa Mohamed Salah.

0
417

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Juventus ayaa talaabo u qaaday saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo ay doonayaan in ay ku buuxiyaan booska Paul Dybala kaas oo qaab xor ah uga tagi doona kooxda.

Juventus ayaa Salah u dooratay bartilmaameedkooda 1-aad ee ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxda marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedka.

Wararka ka imanaya dalka Italy ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus wadahadalo Rasmi ah la bilowday wakiilka xiddiga iyaga oo u soo bandhigay mushaharka si ay ugu qanciyaan in uu ku biiro kooxda xagaaga.

Kooxda Juventus ayaa miiska u saartay mushahar uu sanadkii u qaadan doono lacag dhan 10 milyan oo euro marka laga yimaado lacagaha cashuuraha ee laga qaado xiddigaha.

Waxa intaas sii dheer in ay Kooxda Juventus diyaarinayso dalab lacageed oo dhan 67 milyan oo euro si ay Liverpool ugu qanciso in ay fasaxdo xiddiga reer Masar xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here