Juventus oo ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska Manuel Locatelli

0
522

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda Juventus ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Sassuolo Manuel Locatelli, kaasoo ay ku soo qaadatay heshiis amaah oo laba xilli ciyaareed ah, iyada oo ku qasbanaan doonta inay si toos ah u iibsato xagaaga 2023.

Juventus ayaa bayaan ay soo saartay, waxay ku soo qortay boggeeda rasmiga ah, kaasoo u qornaa sida tan:

“Kooxda Juventus waxay ku dhawaaqday inay kala heshiisay Sassuolo, inay ka amaahato Manuel Locatelli ilaa xagaaga 30-ka June 2023.”

“Heshiiska ayaa ku qasbaya Juventus inay ciyaaryahanka si toos ah u iibsato xagaaga 2023, waa haddii la gaaro ujeedooyin isboorti qaarkood.”

“Juventus waxaa laga rabaa inay bixiso 25 million euros, haddii ay iibsaneyso ciyaaryahanka, waxayna lacagta ku bixin doontaa saddex sano.”

“Intaa waxaa dheer, waxaa jira guno ugu badnaan ah 12.5 million euros, marka la gaaro ujeedooyin badan.”

“Waxaa jira shuruudo qasab ah oo aad u fudud oo lagu iibsan karo ciyaaryahanka, waxayna dhaqan galayaan xilliga ugu horeeya ay Juventus hesho dhibcaheeda ugu horreeya ee horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan.”

Manuel Locatelli ayaa baaritaan caafimaad ku maray magaalada Turin saakay, kahor inta uusan saxiixin qandaraaska ilaa June 2023.

Juventus ma aysan shaacin qiimaha maaliyadeed ee heshiiska, laakiin wararka qaar ayaa waxay tilmaamayaan in Locatelli uu ugu dhaqaaqay Bianconeri heshsii amaah oo laba xilli ciyaareed ah ilaa June 2023, iyada oo ay ku qasbanaan doonto inay si toos ah ugu iibsato qiimo dhan 37.5 million euros.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here