Juventus oo kaga horreysa Real Madrid, Barcelona iyo Man City tartanka loogu jiro saxiixa mid ah xiddigaha ugu caansan Yurub

0
280

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda reer Talyaani ee Juventus ayaa hoggaamineysa raacdada ay kooxo fara badan ugu jiraan saxiixa xidigga reer Austria iyo naadiga Bayern Munich ee David Alaba.

Balse Juventus ayaa tartan adag kala kulmi doonta kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Manchester City oo iyagana si weyn u doonaya adeega laacibka reer Austria ee David Alaba.

David Alaba ayaa haatan loo arkaa mid ka mid ah magacyada ugu muhiimsan ee laga heli karo suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda, maadaama qandaraaska uu kula jiro naadiga Bayern Munich uu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkaan, halka uusan wax heshiis ah la gaarin kooxda reer Germany si loo cusbooneysiiyo.

Sida laga soo xigtay shabakada “Eurosport” ee dalka Talyaaniga David Alaba ayaa soo jiitay indhaha afarta kooxood ee kala ah Juventus, Real Madrid, Barcelona iyo Manchester City, kuwaasoo ku tartamaya sida ay ku heli lahaayeen adeega ciyaaryahanka loo arko inuu yahay mid ka mid ah xiddigaha ugu caansan Yurub, kaasoo ka ciyaari kara in ka badan hal boos.

Juventus ayaa ilaa iyo haatan ku horeysa tartanka loogu jiro adeega xidigga reer Austria iyo naadiga Bayern Munich ee David Alab si ay ula saxiixato, maadaama uu sidaas codsaday tababaraha kooxda ee Andrea Pirlo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here