Juventus oo ka jawaabtay dalab ay Liverpool ka gudbisay Federico Chiesa.

0
243

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dalab xooggan ka gudbisay weeraryahanka kooxda Juventus ee Federico Chiesa kaasoo qaab ciyaareed heer sare ah kusoo bandhigay tartankii qarammada Yurub ee EURO 2020 kaasoo uu kula guuleystay xulka Taliyaaniga.

Bianconeri ayaa lagu soo warramayaa inay iska diidday dalab ku kacayay qiimo gaaraya 86 milyan oo gini oo ay Reds ku dooneysay iibka weeraryahankan.

23-sano jirkan ayaa amaah ugu ciyaarayay Juventus fasalkii hore balse waxaa heshiiska amaahda ah ee looga soo qaatay Fiorentina ku jira inay kooxda Turin ka dhisan waajib ku tahay iibsashada Chiesa sidaas darteedna ay go’aan ka gaari karto mustaqbalka laacibka xulka Azzuri.

Si kastaba ha ahaatee, weeraryahankan ayaa bandhig heer sare la kowsaday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Allianz Stadium isagoo dhaliyay 15 gool dhammaan tartammada waxaana u raacsaday 11 caawin, dhinaca kalena waxa uu udub dhexaad u ahaa xulka Itay ee ku guuleystay tartanka EURO 2020.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here