Juventus oo guul ka soo heshay kooxda Inter Milan kulankii lugta hore ee Semi-finalka Coppa Itali

0
290

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Juventus ayaa guul ka soo heshay kooxda Inter Milan oo ay ku booqatay garoonka Giuseppe Meazza kulankii lugta hore Semi-finalka ee Coppa Itali, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-2.

Qeybta hore ee dheesha ayaa lagu kala nastay 1-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Juventus.

Daqiiqadii 9-aad kooxda Inter Milan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay weeraryahanka reer Argantina ee Lautaro Martinez, kaddib markii uu caawin ka helay Nicolo Barella.

Laakiin 26 daqiiqo marka ay dheeshu mareysay kooxda Juventus ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay Cristiano Ronaldo, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay barbardhac 1-1 ah.

35 daqiiqo Cristiano Ronaldo ayaa hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Juventus, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-2.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-2 oo ay Juventus kaga soo adkaatay kooxda Inter Milan oo ay ku booqatay garoonka Giuseppe Meazza kulankii lugta hore Semi-finalka ee Coppa Itali, iyadoo kulanka lugta labaadna lagu ciyaari doono Allianz Stadium.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here