Juventus Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Saxiixa Romelu Lukaku

0
98

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Juventus ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Romelu Lukaku sida ay sheegayaan wararku.

Saxafiga Fabrizio Romano ayaa sheegaya in ay Juventus dalab Rasmi ah miiska u saartay chelsea si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Belguim suuqa xagaaga.

Romano ayaa sheegay in ay Juventus miiska saartay lacag dhan 37.5 milyan euro iyo waliba 2.5 milayn oo gunooyin ah.

Si kasta ha ahaatee kooxda Juventus ayaa dhamaystiri karta saxiixa Lukaku kaliya hadii ay iska iibiyaan xiddiga Dusan Vlahovic ilaa inta laga gaadhayo 4 bisha August.

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Lukkau inta aan la gaadhin bisha August ee soo socota.

Dhinaca kale Chelsea ayaan wax xiiso ah u qabin saxiixa Vlahovic maadama ay doonayaan in ay qaab toos ah u iibiyaan Lukaku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here