Juventus Oo Chelsea U Soo Bandhigtay Saxiixa Miralem Pjanic.

0
406

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Juventus ayaa is aad ah u doonaysa in ay iska iibiso xiddiga khadka dhexe ee Miralem Pjanic iyada oo lacag iyo waliba xiddiga miiska u saartay kooxda chelsea si ay badalkiisa u helaan xiddiga khadka dhexe ee chelsea ee Jorginho.

Kooxda hogaaminaysa Serie A-da ayaa wajahday dhaqaale xumo adag oo uu sabab u noqday Coronavirus sidaas darteed lama filayo in ay lacag badan suuqa galiso xagaaga laakiin waxa ay samayn doontaa heshiisyo isku badalasho ah.

Inkasta oo uu ka mid yahay xiddigaha ugu fiican kooxda hadana Miralem Pjanic Ayaa noqday xiddigaha ugu dhibka badan kooxda maadama uuna doonayn in uu isaga tago kooxda.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Barcelona oo la sheegayo in ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadheen si ay u helaan saxiixiisa.

Hadana Sky Sport Italia ayaa sheegaysa in ay Juventus xiddiga Miralem Pjanic u soo bandhigtay chelsea si ay ugu badashaan xiddiga khadka dhexe ee Jorginho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here