Jurgen Klopp Oo Kashifay Wakhtiga Uu Thiago Alcantara Ku Soo Laaban Doono Garomada Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

0
378

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara taam u noqon doono kulamada kooxdiisa todobaadka dambe kadib dhaawacii soo gaadhay.

Thiago Alcantara ayaa ku dhawacmay tababarkii ka horeeyay kulankii Final-ka Carabao cup-ka waxana uu seegi doonaa kulanka Norwich City ee FA Cup-ka ee bartamaha todobaadka.

Laakiin xiddiga reer Spain ayaan muddo dheer ka maqnaan doonin garoomada kadib markii baadhitaan lagu sameeyay laguna ogaaday dhaawaciisa iyo mudada uu maqnaan doono.

Ka hor Kulanka Norwich City, Klopp ayaa wax laga waydiiyay xaalada xiddiga iyo mudada uu garoomada ka maqnaan doono kadib markii uu ku dhaawacmay tababarkii ka horeeyay kulankii Final-ka.

Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ilaa haatan ma garanayo wakhtiga saxda ah ee uu soo laaban doono laakiin shaki la’aan dhamaadka todobaadka ama kadib kulanka Inter Milan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here