Jose Mourinho Oo Ka Hadlay Dhaawacii Harruy kae Ku Gaaray Kulankii Everton Ee Xalay.

0
248

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Tababaraha kooxda Tottenham ee Jose Mourinho ayaa ka hadlay xaaladda dhaawac ee Harry Kane kaasi oo lagu heleelay kulankii Everton .

Labadaas koox ayaa xalay ku kulmay wareegga 33-aad ee horyaalka Ingiriiska xilligaas oo ay galeen bar bar dhac min laba gool ah .

Harry Kane ayaa la arkayay isaga oo lutinayay ka dib markii ciyaarta dhamaatay , waxa uuna Harry lahaa goolkii labaad ee bar bar dhaca

BBC Sport ayuu Jose ka yiri ” waa waqti hore in aan wax ka sheegno dhaawaca Harry inkastoo loo jeeday in uu garoonka ka baxay wax yar ka hor dhamadkii ciyaarta , laga yaabee in uu xoogaa uu wax dareemay”.

” Ii Ogalaada in aan niyad wanaag ka muujiyoi dhaawaciisa, waxa uu haystaa waqti uu ku soo kabsado , aan aragno waxa dhaca”

Waxa uu Jose intaas sii raaciyay ” waxaan aaminsanahay in wax halis ah aysan jririn”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here