Jordan Henderson oo si cad u qiray in Liverpool ay awood badan tahay la’aanta Philippe Coutinho

0
296

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kabtanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jordan Henderson ayaa xaqiijiyay in Reds ay xoogan tahay la’aanta xiddiga reer Brazil ee Philippe Coutinho, kaasoo lala xiriirinayo inuu dib ugu soo laabanayo garoonka Anfield xagaaga soo aadan.

Philippe Coutinho ayaa waayihiisii kooxda Liverpool wuxuu ahaa xiddig aad looga jeclaa garoonka Anfield, kahor inta uusan ku biirin Barcelona bishii Janaayo 2018, wuxuuna haatan qaab amaah ah ku joogaa naadiga Bayern Munich ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Jordan Henderson ayaa wuxuu dareensan yahay in Liverpool ay dhaqso uga soo kabatay kaddib markii ay lumisay adeega 27 jirkan reer Brazil, waxayna Reds haatan ku jirtaa waqtigeedii ugu fiicnaa, iyagoo haatan u dagaalamaya dhamaan tartamada kala duwan ay ka qeyb galaan.

Kabtanka kooxda Liverpool ayaa ka jawaabay su’aal aheyd saameynta uu ku yeeshay Reds bixitaanka Philippe Coutinho wuxuuna yiri:

“Waxay inoo aheyd guuldarro weyn, waxayna u noqon doontaa koox kasta, laakiin waxaan darreemay inay taasi tahay waqti u baahan in horey looga socdo”.

“Qof walba waxay sarre u qaaday heerkeeda, anaguna waxaan qabanay shaqo ah inaan wanaagsanaano isaga la’aantiis”.

“Ciyaartoyda halkan ku sugan way ixtiraamaan isaga, haddii aan weydiiso mid kasta oo ka mid ah, waan hubaa inay dhahayaan waxaan dooneynaa in markale uu soo laabto, laakiin aniga ahaan waxaan u malaynayaa in wakhtigiisa halkan uu dhammaaday”.

Arlaadi Radio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here