Joan Laporta Oo Ka Warbixiyay Wadahalada Heshiis Kordhinta Lionel Messi

0
196

Joan Laporta ayaa fariin rajo leh u diray jamaahiirta Barcelona ee ku aadan xaalada qandaraaska Lionel Messi, isagoo ku adkeysanaya in wadahadalada ay meel fiican u marayaan kooxda iyo wakiilada Xiddigu.

Messi ayaa haatan xor ah kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxda 30 bishii June laakiin kooxda Barcelona ayaa ku rajo weyn in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga todobaadyada soo socda.

Madaxweynaha Barca Laporta ayaa amar lagu siiyay in uu yareeyo mushaharka ay bixiyaan si ay isugu dheelitiraan kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Isaga oo ka hadlaya ayyuu Laporta yidhi in ay horumar ka samaynayaan wadahalada ay kula jiraan xiddiga reer France.

Messi ayaa haatan la hadli kara kooxaha kale ee reer yurub isaga oo waliba ku biiri kara hadii ay miiska u saaraan mushaharka uu doonayo xiddiga reer Argentine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here