Jilaaga Akshay Kumar oo helay dhalashada Hindiya

0
68

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Jilaaga Filimada Bollywoodka ee Akshay Kumar ayaa qaatay dhalashada dalka Hindiya. Waxaa uu bixiyay xog kooban oo ku saabsan dhalashada uu helay isagoo kula wadaagay dadweynaha sawirka dhalashada Hindiya bartiisa X’ ee horey u ahayd Twitter.

Akshay Kumar ayaa hadda wixii ka horeeyay haystay dhlashada dalka Canada. Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa su’aalo ka keenaya dhalashada Akshay Kumar. Dhawaan Akshay Kumar ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu dalbaday dhalashada Hindiya oo uu faahfaahin dheeraad ah ka bixin doono.

Akshay Kumar ayaa sawirkan ku soo qoray, “Qalbiga iyo dhalashada labaduba waa Hindiyan, maalin Farxada leh”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here