Jilaa caan ka ah Bollywood oo Geeriyooday

0
386

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Jillaagii Bollywood Irrfan Khan, ee caalamka looga yaqaano Slumdog Millionaire iyo Jurassic World – oo ah doorkiisii uu ka ciyaaray aflaantaas – ayaa dhintay isagoo 53 sano jir ahaa.

Khan wuxuu caan ku ahaa jilliinkiisa aan caadiga ahayn iyo fahamka, iyadoo dad badan ay u garanayaan mid ka mid ah jilaayada ugu xirfadda fiicnaa Hindiya.

Si wayn ayaa loo xushmeyn jiray, waxaa sidaa mar qoray Filim soo saare Wes Anderson oo mar la shaqeeyay.

Sannadkii 2018, jilaaga wuxuu shaaca ka qaaday inuu ku dhacay xanuunka endocrine tumour – oo ah in unugyada difaaca jirka ay weeraraan xididdada dhiigga – kaas oo ah cudur naadir ka ah dunida.

Wuxuu markaa ka dib daweyn ka helay cisbitaal ku yaalla London oo qaliin loogu sameeyay.

Xidigaha Bollywood iyo siyaasiyiin ayaa baraha bulshada ku qoray tacsida jilaagan.

“Wuxuu lahaa xirfad aan caadi ahayn… saaxiib qaali ah oo naxariis badan… qof caan ku ahaa kaalintiisa aflaanta caalamiga ah… da’ yar ayuu ku dhintay … taas oo sababaysa kaalin wayn in ay bannaanaato,” ayuu qoray Amitabh Bachchan oo filim ay isla jileen.

Jilaaga kale, Raveena Tandon, wuxuu bartiisa Twitterka ku qoray inuu ahaa “la-jilaa cajiib ah, jilaa aad u wanaagsan iyo qof aad u qalbi fiican”.

Khan wuxuu ka shaqeeyay laga billaabo Bollywood illaa aflaanta dagaalka ah ee Hollywood iyo far-shaxanka.

Sannadkii 2013, wuxuu ku guuleystay Abaalmarinta Aflaanta ee hindiya, taas oo uu ku muteystay kaalintii uu ku lahaa filimka Paan Singh Tomar, – Ciyaaryahankii aad u fiicnaa ee noqday burcadka.

Aflaanta kale ee caanbaxay ee uu jilay waxaa ka mid ahaa Lunchbox, Piku, iyo Hindi Medium. filimkiisii ugu dambeeyay ee Angrezi Medium, waxaa la baahiyay bishii la soo dhaafay.

Guushiisa aflaanta caalamkana waxay ahayd filinkii British-Indian ee The Warrior kaas oo uu soo saaray Asif Kapadia, kuna guuleystay abaalmarinta Bafta.

Sidoo kale waxaa lagu soo daray diiwaanka aflaantii loo xushay abaalmarinta Britain ee Academy Award, wuxuuna guusha ku waayay in luqadda Hindi aysan Britain ka ahayn mid dalkaas muddo looga hadlayay.

Irrfan Khan's still from Jurassic World

Guulaha uu gaaray waxay sare u qaadeen xirfadihiisii jilliinka aflaanta, wuxuuna 20-kii sano ee la soo dhaafay ka qeybgali jiray shan illaa lix filim sannadkii.

Waxay isku xirnaayeen Mira Nair – oo xirfaddiisa jilliinka ka soo heshay iskuulkii uu dhigayay ka dibna u dhiibtay filimkii Salaam Bombay. Sidoo kale wuxuu qeyb ka ahaa majaajiladii Namesake ee 2016-kii iyo filimka New York, I Love You ee 2010.

Michael Winterbottom filimkii uu soo saaray ee A Mighty Heart wuxuu ka ahaa Taliye Boolis oo Pakistan u dhashay, halka Wes Anderson uu door yar ka siiyay filimkii The Darjeeling – si uu ugu yaraan ula shaqeeyo.

Warqad ay baahisay shirkaddiisa ee lagu xaqiijiyay geeridiisa waxaa lagu sheegay: “Isagoo ay ku hareereysan yihiin jaceyl, qoyskiisa oo uu aad u daryeeli jiray, ayuu geeriyooday, wuxuuna ka tagay sharaf wayn ee uu hantay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here