Jadwalka horyaalka Premier League oo la soo saaray & Kulammada toddobaadka koowaad oo xiiso gaar ah leh

0
464

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Maamulka horyaalka Ingiriiska ayaa soo saaray isku aadka horyaalka Premier League fasal ciyaareedka 2020-21, iyadoo kooxda horyaalka difaacaneysa ee Liverpool ay kulanka furitaanka la ciyaari doonto naadiga soo dallacday ee Leeds United.

Horyaalka Premier League sanad ciyaareedkan waxaa uu furmi doonaa 12-ka bisha Sebteembar ee nagu soo aaddan, waxaaa kulammada ugun horreeya ee la ciyaari doono ka mid ah kulanka Reds ay garoonkeeda Anfield ku marti qaadeysom kooxda dhowaan-galka ah ee Leeds, halka Chelsea, Manchester United iyo Arsenal ay toddobaadka furitaanka u kala safri doonaan Brighton, Burnley iyo Fulham sida ay isugu xigaan.

Manchester City iyo Tottenham ayaa iyaguna garoommadooda kula ciyaari doona kooxaha Aston Villa iyo Everton isla maalinta koowaad ee xilli ciyaareedka.

Siddeed ka mid ah tobanka kulan ee asbuuca koowaad ayaa lagu madalsan yahay in la ciyaaro maalinta furitaanka, inkastoo maamulka Premier League ay  xaqiijiyeen in kulammada Burnley vs Manchester United iyo Manchester City vs Aston Villa dib loo dhigay.

Kulammada Brighton vs Chelsea iyo Sheffield United vs Wolves ayaa la ciyaari doonaa habeenka Isniinta ee ay taariikhdu tahay 14-ka Sebteembar.

Haddaba aqriste sawirkan hoose kaga bogo dhammaan kulammada toddobaadka koowaad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedka 2020-21.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here