Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia oo la filayo inay go’aanno soo saaraan

0
224

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wararka kasoo baxaya bahda kala duwan ee waxbarashada Ethiopia ayaa sheegaya in Jaamacadaha iyo Iskuulada guud ahaan Ethiopia ay soo saari doonaan go’aano lagu jaan goynayo laguna ilaalinayo hanaanka waxbarashada dalkaas si loo fuliyo awaamiirta ay Dawladda Ethiopia soo saartay ee la xiriira xaaladda bandowga dalkan, taasoo saamayn ku yeelan karta goobaha waxbarashada.

Maamulada kala duwan ee Jaamacadaha iyo Iskuulada Ethiopia ayaa sheegay in ay la xiriireen oo ay ka war sugayaan hay’ada ugu sarraysa Ethiopia ee dhinaca tacliinta taasoo ah Wasaaradda Waxbarashada Ethiopia, isla markaana ay go’aan rasmi ah qaadan doonaan marka ay wada tashi la yeeshaan madaxda Wasaaradda.

Si kastaba ha noqotee, arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Dawladda dhexe ee Ethiopia ay dalkan gelisay xaalad degdeg ah, isla markaana ay arday fara badan oo isaga kala yimi adduunka intiisa kale ay wax ka bartaan Jaamacadaha Addis Ababa iyo gobolada kale ee dalkan Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here