Itoobiya oo Heshay Dhibcihii Ugu Horreeyay Tallaalka Covid-19

0
327

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Dowladda Itoobiya ayaa heshay dhibcihii ugu horreeyay ee tallaalka Covid-19.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in tallaabadan ay muhim u tahay sidii fursado is leg oo tallaalka Covid-19 ah ay u heli lahaayeen shacabka Itoobiyaanka ah.

UNICEF ayaa sheegtay in tallaalkan uu yahay qybtii kowaad ee tallaalka.

Wasiirka caafimaadka Itoobiya Lia Tadesse ayaa shaaciyay in dalkiisa uu helay tallaalka AstraZeneca.

Dowladda ayaa sheegtay in tallaalkan ay u dejin donnto qorshayaal ay bulshada ugu saami qeybinayso tallaalka.

Todobaadyada soo socda ayaa la filayaa in barnaamijka tallaalka uu si rasmi ah uga billowdo dalkaas.

20% dadka dalkaas ayay dowladdu ku tala jirtaa in ay tallaasho.

Itoobiya ayaa diiwaan gelisay 165,029 oo kiis halka 2,420 kalena ay u geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here