Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Cayaaraha Ee Gobolka Bakool Oo Xilka La Wareegtay

0
258

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Munaasabad kooban oo ay xilka kula wareegeysay Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socday Maamulka gobolka Bakool, isuduwayaasha Wasaaradaha, gudiyada dhallinyarada iyo isboortiga Degmada Xudur.

Cumar Cabdullaahi Atuu oo ah Isuduwihii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Gobolka Bakool oo xilka maanta wareejiyay ayaa ka mahadceliyay dadkii la soo shaqeeyay muddadii uu xilka hayay, isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan masuulka cusub ee xilka la wareegay.

Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee Gobolka Bakool Ifraax Cabdullaahi Maxamed oo xilka si rasmi ah ula wareegtay ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonto xoojinta iyo isdhexgalka bulshada, ayna diyaar u tahay inay dar dar geliso howlaha horyaalla, iyadoo xubnaha kale ka codsatay inay gacan kusiiyaan gudashada waajibaadka loo igmaday.

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaasha munaasabadda xilwareejinta ayaa bogaadiyey sida wanaagsan ee xil wareejinta u dhacday, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Ifraax.

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool oo gabo gabadii ka hadlay xafladda ayaa dhallinyarada kula dardaarmay in ay lashageeyaan isuduwaha cusub, ayna gacan ka geystaan hormarinta gobolka Bakool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here