Iskuulada waxbrashada ee Kenya oo dib loo furayo.

0
321

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Malaayiin caruur ah ayaa waxbarashadooda dib u bilaabaya dalka Kenya iyadoo la raacayo hanaanka ka hortaga xanuunka Covid19 oo sababay in iskuulada la xiro bilowgii sannadkii tagay 2020.

Waxbarashada iskuulada Hoose ilaa sare ayaa la bilaabayaa iyadoo horey bishii October ee sannadkii tagay dib loo bilaabay balse ay soo galeen fasaxyo iyo dabaaldagyo.

Wasaarada waxbarashada ayaa macalimiinta ka dalbatay inay joogteeyaan in ardeyda loo helo goobo leh kala fogaansho si loo ilaaliyo badqabka qofka.

Sidoo kale waalidka caruurta iskuulada loo furay ayaa lagu wargeliyay inay caruurta u soo gadaan facemask (afdabool) iyadoo dowladuna ay keeni doonto waxyaalaha kale ee loo baahan yahay.

Macalimiinta da’adoodu ka weyntahay 58 sanno iyo kuwa leh xaalado gaar ah sida xanuuno kale oo u nugul coronavirus ayaa loo sheegay inay caruurt banaanka ku siiyana xiisadaha ama online ahaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa muddo sadex bilood oo dheeri ah ku daray bandowga habeenkii si loo xakameeyo faafista xanuunka Covid-ka.

Dalka kenya ayaa diwaangeliyay 96,802 oo ruux oo xanuunku ku dhacay iyo 1,685 ayaa igu dhintay xanuunkan dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here