Isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League oo la sameeyey

0
682

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Waxaa goordhow la sameeyey isku aadka wareegga Siddeeda ee tartanka UEFA Champions League, iyadoo ay ka soo baxeen kulamo waa weyn oo aad u xiiso badan.

Kooxda ugu guulaha badan tartankan ee Real Madrid ayaa ku begantay naadiga reer England ee Liverpool, halka kooxda difaacaneysa tartankan ee FC Bayern Munich ay ku aaday Paris Saint-Germain.

Dhinaca kale isku aadka la sameeyay ayaa waxaa isku aaday kooxaha FC Porto iyo Chelsea, halka Manchester City ay fooda dari doonto kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund..

Isku aadka wareegga Siddeeda oo dhammaystiran halkaan hoose ka eeg:-

Man City vs Borussia Dortmund

FC Porto vs Chelsea

FC Bayern Munich vs Paris Saint-Germain

Real Madrid vs Liverpool.

Image

Siddee loo ciyaari doonaa Wareega Afar dhamaadka ee tartanka Champions League?

FC Bayern Munich vs PSG kooxda soo baxda ayaa ku dhici doonta tii soo baxdaa Manchester City vs Borussia Dortmund.

Real Madrid vs Liverpool kooxda soo baxda ayaa ku dhici doonta tii soo baxdaa FC Porto vs Chelsea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here