Isku Aadka Wareega 3-aad Ee Carabao Cup-ka Oo La Sameeay

0
417

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxa si Rasmi ah loo soo saaray isku aadka wareega 3-aad ee tartanka Carabao Cup-ka iyada oo kooxaha ka qayb galaya ogaadeen kooxaha ay ku aadeen lana ciyaari doonaan wakhtiga soo socda.

Kooxaha waaweyn ee premier League ayaa wareegan ka soo qayb galaya iyaga oo ogaaday kooxaha ay la ciyaari doonaan tartanka xilli ciyaareedkan kadib markii la soo afjaray wareega 2-aad ee tartanka.

Kooxaha Man United, Liverpool iyo chelsea ayaa sidoo kale ogaaday kooxaha ay wareegan 3-aad ee tartanka Carabao Cup-ka la cyaari doonaan tartanka xilli ciyaareedkan.

Kulamada wareega 3-aad ee tartanka Carabao cup-ka ayaa bilaaban doona 20 bisha September halka wareega 3-aad la ciyaari doono 25 bisha October, iyada oo wareega Quarter-Final-ka la ciyaari doono 20 bisha December.

labada lugood ee Semi-final-ka ayaa la kala ciyaari doonaa 3 iyo 10 bisha January halka Final-ka la ciyaari doono 27 bisha February ee sanadka soo socda.

Halkan Hoose Kaga Bogo Isku aadka oo dhamaystiran:

QPR Vs Everton

Preston Vs Cheltenham

Man United Vs West Ham

Fulham Vs Leeds

Brentford vs Oldham

Watford Vs Stoke

Chelsea Vs Aston Villa

Wigan Vs Sunderland

Norwich Vs Liverpool

Burnley Vs Rochdale

Arsenal Vs AFC Wimbeldon

Sheffield United Vs Southampton

Man City Vs Wycome

Milwall Vs Leicester City

Wolves Vs Tottenham

Brighton Vs Swansea City

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here