Isku Aadka Koobka Qarmada Qaarada Africa 2022 Oo La Soo Saaray.

0
322

Baydhabo(Radio Arlaadi)- Waxa la soo saaray isku aadka wareega Group-yada ee koobka qaramada qaarada Africa ee sanadka 20222 kaas oo ka dhici doona dalka Cameroon.

Xulalka 24-ka ah ee ka qayb gali doona tartanka sanadka soo socda ayaa ogaaday Group-ka ay kaag jiri doonaan tartanka marka uu bilaaban doono bisha January.

Koobka qaramada qaarada yurub ayaa la filayay in uu bilowdo bishii January ee sanadkan haatan lagu jiro ee 2021 laakiin sabab la xidhiidha xanuunka Korona waxa loo dhigay dib.

Sidas darteed tartanka ayaa bilaaban doona bisha January ee sanadka 2022 iyada oo lagu qaban doono dalka Cameroon oo marti galin doona koobka sanadkan.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo isku aadka oo dhamaystiran:

Group A: Cameroon, Ethiopia, Cape Verde, Burkina Faso.

Group B: Zimbabwe, Malawi, Senegal, Guinea.

Group C: Ghana, Marocco, Comoros, Gabon

Group D: Egypt, Sudan, Guinea-Bissau, Nigeria.

Group E: Sierra Leone, Equatorial Guinea, Côte d’Ivoire, Algeria

Group F: Mali, Mauritania, Gambia, Tunisia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here