Baydhabo(Radio Arlaadi)- Si loo siiyo Barakacayaasha ku jira Kaamamka Ku yaala Duleedka Magaalada Baydhabo wacyigilin ku saabsan sidii ay dib ugu Noqon lahaayeen Beerahooda maadama dadkaas barakacayaasha ah ay ahaayeen Beeralay iyo Xoolo dhaqato ayaa Gudiga Dallada Iskaashatada Beeralayda Gobolka Bay oo la hadlay Radio Arlaadi waxa ay arintaan ku tilmaameen in ay tahay mid la doonayo in Kor loogu qaado wax soosaarka Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha islamarkaana dadka barakacayaasha ah laga saaro ku tiirnaanta Gacmaha Shisheeye islamarkaana ku kalsoonaadan qeyraadka dalkooda.
Warkan waxaa inoo haya Abdikadir Mohamed Nor Warcade