Isco oo kubiiray Sevilla

0
195

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Real Madrid ayaa heshiis labo sanno ah u saxiixi doona Sevilla, waxaana uu mari doonaa baaritaan caafimaad maalinta berri oo Isniin ah

Isco Alarcón waxuu ka ciyaari doonaa labada xilli ciyaareed ee soo socda Seville. Iyadoo Warkaan uu si rasmi ah u shaaciyay kooxda Andalus galabnimaddii Axadda, waxayna raaciyeen in ciyaaryahanku uu horay u joogay Seville, waxaana lagu waddaa inuu tijaabada caafimaadka maro isniinta ka hor inta uusan saxiixin qandaraaskiisa cusub. Isco waxa uu ogolaaday heshiis laba sanno ah

Lopetegui wuxuu helay xiddigisii horre

Isaga oo 30 jir ah, Isco waxa uu ugu dambayn helay koox cusub kaddib markii uu dhacay qandaraaskiisa Real Madrid horraantii xagaagan. Saxiixiisa wuxuu ahaa codsi cad oo ka yimid tababaraha Sevilla Julen Lopetegui, kaasoo horay ula soo shaqeeyay ciyaaryahanka Bernabéu iyo xulka qaranka Spain. Waxuuna noqonayaa saxiixii saddexaad ee Sevilla xagaaga kaddib Marcão iyo Alex Telles  waxaana la filayaa inuu safto kulankiisa ugu horreeya jimcaha soo socda kulanka furritaanka Laliga ee Osasuna iyo Sevilla

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here