Inter Miln oo go’aamisay mustaqbalka Antonio Conte

0
253

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Kooxda reer Talyaani ee Inter Milan ayaa ku dhawaaqday in tababaraheeda Antonio Conte uu sii joogi doono booskiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Warbixino saxaafadeed ayaa maanta muujinayay suurtagalnimada uu Antonio Conte ku bixi karo kaddib guuldarradii Inter ka soo gaaray kooxda Seville finalkii koobka UEFA Europa League.

Warsidaha reer Talyaani ee Gazzetta dello Sport ayaa wariyay maanta in la go’aamin doono mustaqbalka Conte, iyadoo tababarihii hore ee kooxda Juventus Massimiliano Allegri loo qoondeeyay inuu noqdo bedelkiisa haddii uu ka tago Inter.

Inter ayaa war rasmi ah ay ku daabacday website-keeda kaddib markii uu dhamaaday shirkii ay wada qaateen, waxay ku shaacisay in Antonio Conte uu sii joogi doono, si labada dhinac ay u sii wadaan inay ka wada shaqeeyaan mashruuca kooxda.

Warka rasmiga ah ee ka soo baxay kooxda Inter Milan ayaa lagu sheegay:

“Kooxda iyo Antonio Conte waxay yeesheen kulan maanta, kaas oo diiradda lagu saaray sii wadista iyo istiraatiijiyadda kooxda, maadaama labada dhinac ay aasaaska u dhigeen sii wadista ka wada shaqeynta mashruuca kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here