Inter Milan Oo Xaqiijisay In Ay Si Toos Ah Ula Wareegtay Alexis Sanchez.

0
266

Baydhabo(Radio Arlaadi)-Agaasimaha Kooxda Inter Milan ee Giuseppe Marotta ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga Alexis Sanchez qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono Inter Milan.

Sanchez oo 31 jir ah ayaa kooxda Inter Milan amaah ugu soo biiray xagaagii hore isaga oo kaga soo biiray Man United waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Giuseppe Marotta ayaa wargayska Football Italia U sheegay in ay ugu dambayn heshiiska Sanchez si toos ah ula wareegeen xiddiga.

“Waxa aan si Rasmi ah ula wareegnay laakiin waxa aan ku dhawaaqi doonaa saacadaha soo socda, xiddiga haatan waxa iskal leh Inter Milan”ayuu yidhi.

“Waxa aan xiddiga ka saxiixanay heshiis 3 sano ah waanan rumaysanahay in uu xiddig muhiim ah ka noqon doono kooxda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here