Inter Milan Oo Shaki Galisay Mustaqbalka Andre Onana Ee Man United

0
124

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxa fulinta kooxda Inter Milan Giuseppe Marotta ayaa diiday in uu meesha ka saaro suurtagalnimada uu goolhayaha kooxda Man United ee Andre Onana ku soo laaban karo kooxda reer Italy mustaqbalka.

Onana waxa uu United kaga soo biiray Inter bishii July aduun dhan 47.1 milyan oo euro.

Inkastoo Onana uusan ku bilaaban qaab ciyaareedkii ugu wacnaa ee United, hadana waxaa si weyn u ixtiraama Inter, oo beeca xorta ah kula soo wareegtay sanadkii hore.

Mar la weydiiyay in Onana uu ugu dambeyntii ku soo laaban karo Inter, Marotta ayaa u sheegay Gazetta Dello Sport: “Ma saadaalin karo mustaqbalka, laakiin kubada cagta wax walba ayaa dhici kara. Dhab ahaantii, waxay ahayd wakhti fiican oo aan wada qaadanay xiddiga”.

“Sidoo kale waxay ahayd heshiis lagu guuleystay inaan kula soo wareegno bilaash oo aan ku iibino lacagtaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here